Duqeyn lala eegtey goob ay ku shiraan horjoogeyaasha Al-Shabaab

Image
Howlgalka ayaa yimid maalin kadib markii Soomaaliya uu yimid taliyaha AFRICOM, Jeneraal Michael Langley.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeyn diyaaradeed ayaa lala beegsadey goob ay ku shirayeen hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab, sidda ay tabisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah.

Sidda laga soo xigtey Telefishinka Qaranka ee SNTV, howlgalkan ayaa waxa uu ka dhacay degaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose ee maamul goboleedka Jubaland.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigin magaca dalka fuliyay duqeyntan, tirada horjoogeyaasha lagu dilay, dhaawacyadda iyo haddii ay dad shacab ah waxyeelo kasoo gaartey duqeynta.

"Caawa [habeenkii Jimcaha] Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen degaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose," ayuu yiri TV-ga.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira".

"Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalka iyo Khasaaraha cadowga gaaray," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta.

Howlgalka ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa maalin kadib markii Muqdisho iyo Kismaayo uu booqashooyin ku kala tagay taliyaha howlgalka Mareykanka qaaradda Afrika, Jeneraal Michael Langley.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga, saraakiisha Danab iyo kuwa ciidamada Midowga Afrika ayuu kula kulmay Muqdisho iyo Kismaayo.

Inta la og-yahay, waa markii labaad oo Janankan uu yimaado gudaha Soomaaliya tan iyo markii la magacaabay. Washington waxay kamid tahay dalalka sida weyn uga qeyb-qaatay la dirirka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM