Duqeyn rayid lagu laayey oo ka dhacday koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeyn ka dhacday nawaaxiga degmada Afgooye, oo hoostagta maamulka Koonfur Galbeed, waxaa lagu dilay afar oo rayid ah, sida uu sheegay mid kamida qaraabada dhibaneyaasha.

Isaga oo taageeraya dowlada iyo AMISOM, Mareykanka oo si joogto ah howlgalo uga fuliya gudaha Soomaaliya ayaa beegsada maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Cabdiqaadir Nuur iyo saddex kale ayaa Isniintii lagu duqeeyay tuuladda Laanta Buure e gobolka Shabeellaha Hoose, oo 45 KM Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

"Nuur iyo saddexda kale isla goobta ayey ku geeriyoodeen. Walaalkiisa Mahad Nuur gebi ahaanba wuu gubtay," ayuu yiri Cabdi adeerkiis Cabdullaahi Cali.

Cabdullaahi ayaa sheegaya in Cabdiqaadir uu kamid ahaa shaqaalaha shirka isgaarsiinta Hormuud, balse hay’addaasi ayaa iska fogeysay.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] oo qirtay in weerarkaasi cirka ah ay fulisay ayaa shaacisay in xubnaha la dilay ay yihiin mitidiin.

"Wali ma hayno khasaaro shacab … dib u eegis ayaa ku sameyn doonaa, iyadda oo la helayo daraf saddexaad," ayay ku yiraahdeen war-saxaafadeed.

Al-Shabaab oo magaaladda caasimada ah ee Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-kii ayaa wali joogitaan ku leh Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo dalka ayaa marar qaarkood waxay waxyeelo u geystaan dad shacab ah iyada oo horaantii sanadkaan ay qirtay AFRICOM in howlgal ay ka fuliyeen Bariire ay ku laayeen rayid badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM