Duufaano Roobab Wata oo ku soo wajahan dalka Soomaaliya

Image

Roobab Dufaan wata ayaa la filayaa iney ku soo beegan yihiin gacanka Carbeed 24 saac ee soo socda   (Fiiri Jaantuska). Waxaa la sadaalinayaa iney ku soo siqaan Galbeedka Xeebta Gacanka iyagoo wata Roobab xoogan.

Hubin la’anta socodka xawaaraha dufaantaan ayaa la saadaalinayaa iney saameynta ugu badan ku yeeshaan Koonfurta dalka Yamen iyo Woqooyiga Soomaaliya iyagoo khatar hoose ku leh dalka Jabuti marka la gaaro dhamadka Asbuucaan, sidaas waxaa lagu shaaciyey Barta Releifweb oo ka hadla arimaha bini’aadnimada.

Marka la eego sawirka xariiqda Gacanka Cadmeed, waxay u egtahay in roobabku u dhexeeyaa 50-100mm ay ku dhici doonaan labada xeebood ee  Yemen iyo Soomaaliya, iyada oo ay ku dhowdahay iney garaaan roobabkan 250mm.

Dalka Soomaaliya oo weli ku jira roobabkii Gu’ga ayaa waxaa sababey in Gobolada Koonfureed ka dhacaan fatahaado wabiyada ah halka Gobolada Bariga fog ee Woqooyi Bari Soomaaliya ku yaryihiin xili roobkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM