Duulaanka DF ee maamulada oo laga digay in uu "awood-siiyo" Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Villa Soomaaliya ayaa karaar-siisey duulaanka ay ku hayso dowlad goboleedyadda kasoo horjeeda xili ay calaamad su'aal dulsaaran tahay doorashooyinka 2020-21.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland, Cabdi Xuseen Maxamed, ayaa ka digay in talaabooyinkaas ay "awood-siiyaan argagixisada caalamiga ah".

"Hadii dowladda Soomaaliya sii wado la dagaalanka maamul goboleedyadda, Al-Shabaab waxay heli doonan fursad ay ku qabsadaan Soomaaliya," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Reuters.

Qaar kamid ah dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa xukuumada federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso arrimahooda gudaha.

Jubaland oo si gaar ah muhiim u ah baacsiga Al-Shabaab ayaa noqdey maamulkii u dambeeyay ee Nabad iyo Nolol ay ku duushay.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili shalay uu magaalada Beledxaawo dagaal ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan labada dhinac. Iska-hor-imaadkaas wuxuu galaaftay nolosha in ka badan tobban ruux.

Maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku yaala meel istaraatiiji ah, wuxuuna sohdin la leeyahay Kenya iyo Itoobiya. Si lamid ah waxaa ku taala dekada Kismaayo oo la xorreeyay 2012-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM