Duulimaadka Gudaha Soomaaliya oo dib u billowday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah dib u fasaxday duulimaadyada gudaha dalka, kadib ku dhawaad 4 bilood oo u xirnaa sababo la xiriira xakameynta Covid-19.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda, oo uu kamid yahay Mahdi Maxamed Guuleed, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde, oo looga dhawaaqayay dib u furida duulimaadka gudaha.

Saraakiisha duulista, ayaa sheegay in lix diyaaradood maanta ay ka duuleen Garoonka, kuwaasoo kala aaday qaar kamida gobolkada dalka, iyagoo rakaab sida. Waxaa la amray diyaaradaha inay sameeyaan taxadir la xiriira COVID-19.

Inkasta oo ay socdaan qorsheyaal arrintaas la xiriira iyo wadatashiyo ay madaxda sarre ka leeyihiin, wali waxaa xiran duulimaadka caalamiga, oo aan la ogeyn goorta dib loo furi doono.

Golaha Wasiiradda ayaa todobaadkii hore meelmariyey in dib loo furo duulimaadyadda gudaha kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Duulista Hawada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in kaliya loo ogol yahay dowlad goboleedyadda in maalintii ay tagto hal diyaarad oo kaliya "inta laga xaqiijinayo xaaladaha Coronavirus".

Madaxda dowladda ayaa xayiraada duulimaadyada gudaha ka leh dano siyaasadeed oo ay ku cadaadinayaan maamul goboleedyadda kaga aragtida qabsoomida doorashooyinka 2020-21 iyo muddo kororsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM