Duulimaadka tooska Egypt Air ee Muqdisho oo la daahfurayo

Image
Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dowladood ayaa lagu waddaa in ay ka qeybgalaan xafladda daahfurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa garoonka Qaahira ku sagootiyay Wafdi balaaran oo u hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Qurba joogta Masar Mudane Badar Cabdul Caadhi oo Saakay furay duulimaadkii ugu horeeyay ee Shirkadda diyaaradaha EgyptAir ee dalka Masar ku tagayso Soomaaliya.

Wasiirka iyo Wafdiga la socda oo u kamid yahay Wasiirka duulista Hawada Masar Mudane sameh Xafni ayaa saacadaha soo socda muqdisho uga qeyb geli doona Munaasibad loogu debaaldagayo khadka cusub ee labada dal iyago kulamo la qaadan doona dhigooda Soomaaliya si loo dardargeliyo iskaashiga wanaagsan ee Masar iyo Soomaaliya.

Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay iney talaabadan tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar iyadoo ay fursadaan tahay mid ay ka faa’ideysan doonaan shacabka labadda dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM