Eedaha kelitalisnimada Farmaajo oo isa soo taraya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo inta lagu guda jiro u diyaar-garowga doorashooyinka ay badan yihiin eedeymaha, haddana ku cel-celinta hal dhaliil waxay ugu yaraan u dhawaaneysaa xaqiiqadda jiritaanka.

Wallow ay jiraan dhaleeceymo kale, haddana madaxweyne Farmaajo waxaa ku badanaysa eedeynta ku aadan in uu kelitalisnimo doonayo.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa ay uga harsan tahay maalmo ayaa wajahaya eedeyn ku saabsan in uu rabo soo kaabasho ku timaado nidaamka kelitalis ah iyo in uu waddanka u dareeriyo doorasho aan loo dhameyn.

Doodaas ayaa xoogeysatay ka gedaal markii xukuumadda ay Sabtidii si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay bilaabeyso doorashooyinka iyadda oo Jubaland iyo Puntland ka gadoodsan yihiin fulinta heshiiskii September.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa ahaa mas'uulkii ugu horeeyay ee ka digaya qorshahaan Soomaaliya u horseedaya kelitalisnimo iyo in waddanka uu galo mar-xalad kala qeybsanaan baahsan.

"Soomaaliya haddey xamili karto kelitalisnimo, annaa iri iyo sidaan hala yeelo ma aaney burbureen dhibaatadana halkan ma aysan soo gaareen," ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaaladda Kismaayo.

Axmed Madoobe waxaa ka horeeyay madaxweynihii 8aad ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo ku waaniyey Farmaajo in uu ka tanaasulo fekerka kelitaliska ah "maadaama horey loo arkay in Soomaali aysan aqbleyn".

Dhawaqa Axmed Madoobe ayaa yimid markii uu burburay dedaalo uu garwadeen ka ahaa madaxweynaha Galmudug kuwaas oo la doonayey in xal waara loogu helo is-mari-waaga doorashooyinka qaranka 2020-21.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in waawaantiisa ay fashilantay markii dhinacyadda cabashada ka muujiyey fulinta heshiiskii September ay kasoo jawaabi waayeen qodobo uu kaga keenay Villa Soomaaliya.

Hasa ahaatee, waxaa sheegashadiisa ganafka ku dhuftay Axmed Madoobe, afhayeenka Aqalka Sare iyo Midowga Musharaxiinta. Dhamaan waxay sheegeen in aysan helin jawaab ayaga oo ku baaqay shir loo dhanyahay.

Dhabar-jabka ku yimid dedaaladan ayaa la macno ah in kala taag-taaga uu sii jiri doono isla markaana waxay xoojineysaa hubanti la'aanta ku saabsan in doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan si wada ogol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM