Eedeyn ay hawada marisay Dowladda Soomaaliya oo leyska fogeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kenya oo iska fogeysay eedeynta faragelinta madax banaanida Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay hadaladaas "kuwa lasoo dhoodhoobay oo salka ku haya danno siyaasadeed oo daahsoon".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay in warqad ay arrintaas kaga cabaneyso u dirtay xukuumadda Muqdisho.

Qoraalkaas ayay xustay in ay kaga jawaabtay hadaladii uu Golaha Ammaanka u sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, Abuukar Daahir Cusmaan [Baalle].

Baalle ayaa tibaaxay in Kenya ay xasilooni darro ah ka abuureyso dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda hodanka ah ee Afrika.

"Kenya waxay diidan tahay eedeynta aan salka iyo baarka lahayn ee kaga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya; waa kicin la dhoodhoobay in aan faragelineyno arrimaha gudaha Soomaaliya," ayay xustay.

Dowladda Farmaajo ayaa la xusay in ay Kenya u adeegsaneyso "aalad ah marmarsiyo ugu raadineyso dalabka dadweynaha iyo talaabooyinka sharciyadda ah ee siyaasadda Soomaaliya".

Wargeyska maxaliga ah ee Daily Nation oo nuqul kamid ah warqadda helay ayaa warbixinta beeninta baahiyey, 1-dii Maaj, 2020.

Ugu dambeyntii, sidda ku xusan war-saxaafadeed oo dhowr bog ahaa, Kenya ayaa cod dheer ku codsatay in la joojiyo "ololaha hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu oor-kacsanayaan Kenya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM