Eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe oo Maxkamad lasoo taagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah u fariisatay dhageysiga dacwada ka dhan ah Eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii October kaasi oo ay ku dhinteen 512 qof.

Eedeysanayaashan oo gaaraya guud ahaan 5 ayaa 4 kamid ah ayaa kasoo hor-muuqday maanta Maxkamadda kuwaasi oo kala ah;

1:-Xasan Aadan Isaaq Cali, 23 jir ah kuna dhashay Gobolka Baay

2:-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah

3:-Cabdiweli Axmed Diiriye, 32 jir ah kuna dhashay Gobolka Galgaduud.

4:-Mukhtaar Maxamuud Xasan Rooble, 43 jir ah ku dhashay Galgaduud

5:-Cabdul Cabdi Warsame Cali, 35 jir ah ku dhashay Caabudwaaq.

Eedaysanaha kowaad Xasan Aadan Isaaq Cali, ayaa lagu soo eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa qaraxii Zoobe, sidoo kalena uu gacantiisa ku waday Gaariga 2aad ee ku qarxay Wadada Danwadaagaha.

Xasan Aadan Isaaq Cali, waxa uu sidoo kale Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada Muqdisho.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur "Shuute", gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ayaa ku dhawaaqay in dhageysiga dacwadda raggan dib loo dhigay maalinta Khamiista ee soo socota.

Waxaana fursad loo siiyay qareenada difaacaya eedaysaniyaasha iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida inay cadaymo dheeri ah keenaan Maxkamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM