Eedeysane xaaskiisa ku dilay tooreey oo gacanta lagu soo dhigay

Image
Laamaha amaanka ayaa sheegay in la baari doono kiisan si loo ogaado sababta ka dambeysa dilka.

Qoryooleey, Soomaaliya - Ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysane galinkii dambe ee Shalay xaaskiisa tooreey kugu dilay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninka dilka lagu eedeeyay uu tooreey dhowr meelood oo halis badan kaga dhuftay xaasikiisa ka dib khilaaf soo kala dhaxgalay qoyska.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay in la sii wadi doonno baaritaanka ku aadan kiiskan si loo ogaado sababta ka dambeysa dilkan arxan darrada ah.

Dilkaan ayaa kusoo aadaya xili gobolada kala duwan ee dalka ay kasocdeen falal noocaan oo kale ah oo lagula kacayo Gabdho Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ilaa hadda lama hayo nin xaaskiisii ​​oo xaamilo ahayd basiin ku bilbilay ka dibna gubay, arrintaas oo si weyn looga hadal haayo gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM