Emirates Airlines oo shuruud horleh kusoo rogtay rakaabka Soomaaliya

Image

ABU DHABI, UAE – Shirkadda duulimaadka Imaaraadka Carabta ayaa Isniinta maanta ah waxay shuruudo horleh kusoo rogtay rakaabka wadamo ay kamid tahay Soomaaliya, sidda uu wariyey bogga maxaliga ah ee Khaleej Times.

Wadamada ayaa kala ah;

Algeria, Armenia, Australia, Austria, Azerbaijan, Bahrain, Belgium, Bosnia & Herzegovina, Brazil, Brunei, Bulgaria, Canada, China, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Hong Kong, Iceland, Indonesia, Ireland, Italy, Japan, Kazakhstan, Kirgizstan, Kuwait, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Macedonia, Malaysia, Maldives Islands, Mauritius, Netherlands, New Zealand, Nigeria, Norway, Oman, Poland, Portugal, Saudi Arabia, Serbia, Seychelles, Singapore, Somalia, South Africa, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, Taiwan, Thailand, Turkey, United Kingdom iyo United States (New York, Washington DC, Boston, Chicago, Seattle).

Sidda laga soo xigtay warbixinta, rakaabka degaanka ku ah Imaaraadka waxaa laga doonayaa in ay soo gudbiyaan shahaadada caddeyneysay in aysan la nooleyn Covid-96 saacadood kahor inta duulimaadka dhicin.

Hadii fursadaas ay seegto, waxaa waajib ku ah in ay tijaabo la xiriirta safmareenka khatarta badan ku maraan isla marka ay kasoo degaan madaarka Dubai.

Dalxiiseyaasha ayaa laga rabaa in ay shahaadadaas kusoo gudbiyaan isla waqtigaas marka laga reebo qaarka ka imaanaya UK iyo Germany oo haysta fursad ah in marka ay kasoo degaan garoonka ay maraan tijaabada rasmiga.

"Rakaabka sugaalka ah [transit] ee ka imaanaya dalalkaas ayaan looga baahneyn in ay soo gudbiyaan shahaada tijaabada hadii meesha uu kusii jeedo aysan ka ahayn daruuri," ayaa lagu yiri qoraal uu daabacay mareega.

Inkasta oo  Emirates Airlines aysan duulimaad toos ah ku tagin Muqdisho, Soomaalida ayaa ka raaca wadamada deriska iyo kuwa kale oo caalamka taasoo ka dhigan ay ku xirnaan doonta baasaboorka kale oo ay haystaan.

Soomaalida tagta Imaaraadka Carabta ayaa isugu jirta siyaasiyiin, ganacsato, kuwa dalxiis u aada, qaar ay qoysaskooda ku nool yihiin iyo tirro kale oo arrimo u gaar ah u taga. Dhamaantooda waxaa laga doonayaan shuruudahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM