Eng Yariisow: Maalgeliye Al Shabaab ayay ciidamada ku dileen Wanlaweyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay howlgal ku dileen nin maalgelin jiray Al Shabaab.

War qoraal ah oo bartiisa Facebook soo dhigay, ayuu Wasiirka ku sheegay in ninkan oo lagu magacaabi jiray Maclin Jeelle lagu dilay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Inta uu socday Howlgalka, ciidamada ayaa isku dayay inu nolosha ku qabteen Maclin Jeelle, balse uu muujiyay iska caabin taasi oo keentay in ciidamada ay toogtaan.

Tallaabadan ayuu ku tilmaamay Wasiirka guul usoo hooyatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Al Shabaab wali kama aysan hadlain warka kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya ee ku aadan dilka ninkaasi la sheegay inuu maal-gelin jiray.

Warar ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa oday dhaqameed dadka deegaanka kamid ah, islamarkaana oo aad looga yaqaaney guud ahaan degmada Wanlaweyn, oo qiyaastii 90Km waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM