Erdogan oo shaaciyey qorshe uu Putin ka leeyahay Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Turkiga ayaa caddeeyay in uu dhigiisa Turkiga ku taageerayo gaarida hadafkan.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayib Erdogan oo ka hadlay shirka ururka dalalka asalkoodu yahay Turkish-ka, ayaa soo bandhigay wax uu ku sheegay hadaf uu dhigiisa Ruushka ka leeyahay "dalalka saboolka".

Erdogan oo si toos ah u carabaabay Vladimir Putin ayaa carabka ku dhuftey in wadamadaas ay kamid tahay Soomaaliya wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay fulinta qadiyadan kawada shaqeynayaan.

Sida laga soo xigtey Erdogan, madaxwayne Erdogan ayaa doonaya in uu dalalkan usoo jeediyo dareenka caalamka si ay u helaan kaalmo bini'adanimo oo ay kaga gudbaan dhibaatooyinka ay haatan wajahayaan.

"Dabcan, (madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin) hadafkiisu waa inuu caalamka u soo jeediyo dalalka Afrika ee saboolka ah, gaar ahaan Mali, Soomaaliya iyo Sudan, wuxuu u soo bandhigay inuu si bilaash ah ugu diro hadhuudhka, isla marka tallaabadan oo kale la qaado, sidaas oo kale ayaan muujin karnaa dareenkeena,” ayuu xusay.

Erdogan ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska badarka Badda Madow, isagoo sheegay inay noqon doonto go’aan sax ah in dhinacyadu ay kordhiyaan heshiiska, kaasoo ku eg 19-ka November.

Turkiga, Qaramada Midoobay, Ruushka, iyo Ukraine ayaa heshiis ku kala saxiixday Istanbul 22-kii Luulyo si dib loogu bilaabo dhoofinta hadhuudhka saddex dekedood oo saaran Badda Madow kuna yaalla Ukraine.

Dhoofinta ayaa hakad gashay ka dib markii uu bilaabmay dagaalka Moscow-Kiev bishii Febraayo. Tani waxay uga sii dartey xaalada abaareed ee qaar kamid ah dowladaha soo koraya oo Soomaaliya ay kaalmaha ugu horeeya ay kaga jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM