Ergay loo magacaabay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa loo wakiishay u kala dab-qaadida labada dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa dadaallo wada xaajood ah u diray Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, si uu ugu kala dab-qaado Soomaaliya iyo Itoobiya.

Talaabada uu qaadey PSC ayaa waxaa lagu macneeyay in ay tahay "si looga hortago xiisadaha sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya in ay u gudbaan dagaal culus".

Cilaaqaadka halista ah ee labada dal ee jaarka ah ayaa soo shaac baxay ka dib markii maamulka Somaliland uu heshiis la saxeexday Itoobiya 1-dii January sanadkan 2024.

Is-afgaradkaas buuqa dhaliyay isla markaana dunida ay cambaareysay ayaa wuxuu u ogolaanaya Itoobiya in ay gacanta ku dhigto deked badeed iyo saldhig ciidan oo ku yaalla Badda Cas.

Toddobaadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya oo heshiiskaas ku tilmaamtay "qaawan iyo xadgudub faragelin" ayaa waxay ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay dagaal gasho.

Tani ma noqon doonto markii ugu horeysay ee ay isku dhacaan labada dal. Sannadkii 1977-kii, waxay ku murmeen dhul, 2006-dii, Itoobiya waxay soo gashay Soomaaliya, taasoo qayb ka ahayd la-dagaalanka argagixisada.

Somaliland ayaa Itoobiya waxay ka doonaysaa aqoonsi ah dal madax-bannaan, taas oo ay ku andacoonaysay tan iyo 1991-kii markaas oo ay sheegatay in ay ka go'dey Soomaaliya.

Obasanjo ayaa wajahaya hawl adag iyadoo labada dal ay ku hawlan yihiin soo jiidashada dunida. Arbacadii, Soomaaliya waxay celisay diyaaradii Itoobiya ee ku socotay Somaliland taas oo waday mas'uuliyiin Itoobiyaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM