Ethiopia oo Masar u jeedisay eed la xiriirta Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Masar ayaa ku howlan in ay xasilooni darro ka abuurto gudaha Soomaaliya iyo bariga Afrika, sidda wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu kasoo xigatay diblumaasi Itoobiyaan ah oo aysan shaacin magaciisa.

Anadolu oo sheegtay in diblumaasigan uu xil sarre ka hayo Wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku warantay in Qaahira ay sanadihii ugu dambeeyay isku dayeysay in ay gacansaar dhow la yeelato xukuumadda Muqdisho.

Sidda ku xusan warbixinta, Masar ayaa go'aansatay in ay dab qabad-siiyo xasiloonida Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay ku gacan-seyray dalab ku aadanaa in taageero dhanka milatariga ay siiso dowlada federaalka.

"Sanadkii lasoo dhaafay, Masar waxay isku dayday in ay saaxiib la noqoto dowladda federaalka Soomaaliya iyadda oo u balanqaadey taageero dhanka milatariga ah," ayay wakaaladda sheegtay in diblumaasiga uu yiri.

Balse, wuxuu hadalkiisa ku daray: "Mas'uuliyiinta Soomaaliya waxay garteen ujeedada halista ah ee ka dambeysay wayna diideen taageerada ciidan".

Diblumaasiga ayaa intaas ku daray in Masar ay kadib u wareegtay Somaliland oo ah maamul gooni-u-goosad sheegta balse aan wali la aqoonsan kaasoo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka uusan wacneyn sanadihii dambe.

Bishii Janaanyo, Qaahira ayaa, sidda wakaalada ku warantay, waxay mas'uuliyiinta Hargeysa waydiisatay in saldhig milatari ka sameysato degaanadda maamulka Hargeysa.

"Masaarida aad bay uga dharagsan yihiin in xiriirka sii xumaanaya ee Muqdisho iyo Hargeysa uu waqti kasta isku bedeli karo isku-dhac milatari," ayuu diblumaasiga ku nuux-nuuxsaday. "Waxay isku dayayaan in ay baaziin kusii shubaan dabka ka holcaya Soomaaliya".

Wuxuu raaciyey: "Siyaasadda aan jihada lahayn ee Masar waxay Geeska Afrika oo hadda jilicsan usii horseedeysaa dagaalo iyo burbur aan dhamaad lahayn".

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin dhamaan sheegashooyinka diblumaasiga. Masar dhankeeda wali kama jawaabin.

Itoobiya iyo Turkiga ayaa gacansaar dhow la leh dowladda Farmaajo ee haatan haysa taladda Soomaaliya. Ankara iyo Addis Ababa waxaa la rumeysan yahay in ay kamid yihiin wadamada ka shaqeynaya soo laabashada madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM