EU-da oo digniin kasoo saartey doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub oo war-saxaafadeed luuqad adag lagu qoray kuna sabasan doorashooyinka heer federaal ee 2020-21 ayaa wuxuu Isniintii sheegay in heshiis la’aanta Soomaaliya ee qabashada doorashada guud ee soo socota ay tahay mid aad u khatar badan.

"Waa muhiim in la sii wado wadahadaladda wax ku oolka ah si loogu heshiiyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran," ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Josep Borrell.

Borrell ayaa xusay in is-mari-waaga siyaasadeed ee hadda jira uu dhaawacayo kalsoonida ururku ku qabo horumarka Soomaaliya.

"Geedi u socod is-barbar socda, mid hal dhinac ah ama muddo kororsi loo sameeyo hay'addaha oo aan ahayn mid farsamo, waxaa loo tixgelin doonaa in ay horseedeyso dib-u-dhac xoog leh," ayuu ku daray.

Midowga Yurub wuxuu ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha Soomaaliya inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin.

EU-da ayaa ku boorisay daneeyayaasha siyaasada inay muujiyaan hogaamin kana fogaadaan hadalada hurinaya rabshadaha.

Shirkii ugu dambeeyay ee hogaamiyaha Soomaaliya ee doorashada oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa kusoo dhamaaday is afgarad la’aan waxaana saaxiibada caalamka ay ku baaqeen in dib loo bilaabo wada hadalada xalka lagu goobayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM