EU-da oo ka hadashay xaalada Gedo iyo dagaalkii Dhuusamareeb

Image

BRUSSELS, Belgium – Midowga Yurub oo war-saxaaafadeed soo saarey ayaa wuxuu caddeeyay mowqifkiisa ku wajahan xaalada gobolka Gedo, dagaalkii Dhuusamareeb si lamid ah qalalaasaha sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii u dambeeyay ee xadka si lamid ah ciidamada lagu daabulayo gobolka Gedo ay horseedayaan xasilooni daro, waxyeeleynta iyo barakac rayidka.

Dagaalkii ka dhacay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayay sheegeen inuu sii murjiyey xaaladaha bini'aadanimo si gaar ah saameynta daran oo ay ku yeesheen haweenka iyo caruurta.

Hadii aan la qaadin talaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xasarada, waxay xuseen in dhacdooyinkaas ay saameynayaan xiriirka Soomaaliya ee dalalka deriska iyo baacsiga ururka Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ayay carabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay wadashaqeyntooda.

"Xal kama dambeys ah wuxuu dhabaha u xaarayaa dedaalada tirtirka Al-Shabaab, dhismaha ciidamo isku-dhaf ah iyo in la abuuro lana xaqiijiyo jawi suurtagelinaya dowladnimo iyo horumar," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhamaan dhinacyadda ku lugta ah ayay ku booriyeen in ay qaadaan talaabooyinka daruuriga ah ee lagu dhimayo xiisada, lana xormeeyo madaxbanaanida xadka, xal-nabadeedna lagu dhameeyo khilaafka.

"Midowga Yurub wuxuu hoosta ka xariiqayaa muhiimada xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan uu u leeyahay danaha ay xuduudka ku wadaagan Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya," ayuu raaciyey bayaanka.

Wadahadalkii 5-tii Maaj 2020 ay telefoonka ku yeesheen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayay tibaaxeen in uu abuurayo kalsooni. Urur goboleedka IGAD ayay kaga mahadceliyeen talaabadaas.

Gabagabadii, warka oo lagu xaqiijiyey in EU-da wali garab taagan tahay dhismaha dowladnimada iyo deyn-cafinta Soomaaliya waxay ku baaqeen in si wadajir ah looga wada heshiiyo arrimaha hor-tabinta u leh Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM