Faa'iidada ku jirta in hay'adaha gargaarka u soo guuraan Soomaaliya

Image
Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah ayaa amarkan dul-dhigtey hay'adahan hadda ku shaqeeya Kenya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Amar ay soo saartay Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hay’adaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee Soomaaliya ka shaqeeya waxaa lagu faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo guuraan gudaha dalka.

Waa go’aan soo maray golaha wasiiradda oo looga gol leeyahay in kor loogu qaado dakhliga dalka iyo arrimaha shaqo abuurka. Haddaba sidee ujeedkaasi looga xaqiijin karaa soo guurista hay’adaha?

Hay’adaha ayaa dib ugu noqday Kenya kadib markii uu dalka galay qalaasaha siyaasadeed sanadkii 2020-kii, xiligaas oo muddo sanad iyo bar ah ay dib u dhacday doorashadii la filayay.

Sida ay qabaan shuruucda dalka, hay’adda ka shaqaysa gudaha dalka waxa ay ku qabsantahay in ay shaqaalaysiiso 30% muwaadhiniinta dalka, sidoo kalena madax xafiiskeeda ama ku xigeenka uu noqdo qof muwaadhin ah. Hadda faa’iidadaasi waxaa qaba dalalka ay degenyihiin, gaar ahaan dalka Kenya.

Sidoo kale waxa ay hay’adaha dalka kusoo kordhinayaan dakhliga ay ku kireystaan gaadiidka, guryaha, agabka ay iibsadaan, cuntada iyo dhammaan tasiilaadka kale oo ay xitaa isgaarsiinta ka mid tahay.

Waxa kale oo ay si xoogan u isticmaali doonaan adeegyada maaliyadeed sidda bangiyada oo markaasi ay dalka soo galin karaan lacag adag oo qalaad.

Soo guurista hay’adaha waxaa kale oo ka dhalanaya in ay dalka gudihiisa ku qabtaan siminaarada, shirarka, aqoon is-weydaarsiyada, daraasadaha, iyo dhammaan hawlaha kale oo ay ka mid tahay booqashooyinka mas’uuliyiintooda sarsare ee meelaha fog ka yimaada in ay soo booqdaan dalka.

Waxyaabaha oo dhan waxaa kasoo xaroonaya dakhli gudaha ah, iyada oo sida mas’uul ka tirsan wasaaradda qorsheynta sheegay ay hay’adaha marka ay ugu yartahay "qalmaanta iyo buugaagta ka iibsanayaan ganacsatada Soomaalida" taasi oo faa’iido weyn u ah dalka.

Warar ayaa sheegaya in arrinkan looga gol leeyahay in ay sahlanaato in lala xisaabtamo hay’adaha oo marka la doonayo in arrin lagala shiro aanan loo safrin dal kale, ee albaabka xafiiskooda la garaaci karo xitaa haddii ay iska dhego tiraan emailada loo diro ama lasoo daahan jawaabaha loo baahanyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM