Faadumo Seedow: Hooyo qori u qaadatay xoreynta dalka

Image

MATABAAN, Soomaaliya - Faadumo Seedow waa qof dumar ah oo soo jiidatey indhaha bulshada Soomaaliyeed, ka dib markii ay arkeen sida ay uga go’antahay in ay difaacdo dadkeeda, isla markaana ay xorayso dalkeeda.

Waa hooyo dhashay saddex carruur ah oo ku nool magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxay ku biirtay ciidamada deegaanka ah ee loo yaqaan "Macawisleey" ee la dagaallamaya xukunka argagixisada Al-Shabaab.

Faadumo Seedow oo caruurteedii ka soo tagtay waxay qaadatay go’aan adag oo ay ugu biirtay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ay sabab u tahay xadgudubyada ay kooxdaasi ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo dilalka arxan darada ah ee ay u geysanayaan, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay horay uga qayb qaadatay saddex dagaal oo Al-shabaab lala galay. Inkasta oo ay khataro soo food saartay haddana waxa ay ku adkaysanaysaa hawsheeda ah in ay Soomaaliya ka xorayso gacanta argagixisada.

Markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Matabaan oo ay la wareegeen gacan ku heynta Saldhigga magaalada, ayaa waxaa isku soo baxay bulshada deegaanka, si ay u dhistaan ciidan ka hortaga kooxaha argagaxisada ah.

Faadumo Seedow waxay ka mid ahayd dadkii ku biiray ciidamadaas cusub ee la dhisay, iyagoo go’aansaday inay difaacdaan Matabaan iyo dadka deggan. Go’aanka ay qaadatay ee ah in ay hubka qaadato ayaa waxa ay ku kasbatay qadarin iyo taageero deegaanka ay ka dhalatay oo u arka in ay astaan u tahay adkeysiga iyo ka soo horjeedka gumeysiga Al-Shabaab.

Waxa ay xaqiijisay in carruurteeda si wanaagsan loo daryeelo, ayna ku taageerayaan go’aankeeda ku aaddan dagaalka. Waxayna si joogto ah ula xiriirtaa dhanka taleefonka.

Carruurta Faadumo oo fahma muhiimadda ay leedahay himilada hooyadood, waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin ka qayb qaadashada halganka lagu xoreynaayo dalka Sida ay iyadu sheegtay.

Waxaa ka go'an inay aragto dalkeeda oo laga xoreeyay gacanta Al-Shabaab. Waxayna si cad u sheegtay in aysan dalka dib ugu laaban doonin ilaa Soomaaliya ay ka xorowdo gacanta argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM