Faafaahin ku saabsan dab ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa Xalay Saqda Dhaxe ka kacay qeyb ka mid ah suuqa weyn ee magaalada Jowhar, kaas oo geystay khasaare hantiyeed sida ay wariyeen dadka deegaanka.

Dabkan ayaa laga hortagay inta uuna ku fidin qeybaha kale ee suuqa isagoon waxa khasaare ka dhalan oo aan eheen baaba'a soo gaaray foornada.

Ilaa haatan ma jiro qof mas'uul ah oo ka tirsan maamulka Hirshabelle ama gobolka Shabeellaha dhaxe oo ka hadlay dhacdadan.

Bishii hore ayay aheyd marka uu ka kacay isla suuqa dab baab'iyay dukaano badan kuwaas oo lagu qiyaasay 120 dukaan, madaxweynaha Hirshabelle ayaa markaas booqday suuqa, si uu qiimeeyo khasaaraha meesha ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM