Faah faahin Kulanka Farmaajo iyo Gutters

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres oo Maanta Booqasho ku yimid Muqdishu, ayaa xarunta Villa Somalia kula kulmay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shir Jaraa'id oo si wadajir ah ugu qabteen Madaxtooyada Somalia Antonio Guterres iyo Farmaajo ayaa waxa uga hadleen arrimo ay kamid yihiin Gurmadka abaaaraha, isku-dabaridka deeqaha iyo amniga.

Antonio Guterres ayaa sheegay in loo baahan yahay Lixda bilood ee soo socoto lacag dhan $825 million oo wax looga qabto abaarta Somalia, oo saamaysay dad gaarayo 6.2 Million oo qof.

"Shacabka Soomaaliyeed waxay u dhimanayaan Gaajo. Dunida waa inay si deg deg ah uga jawaabtaa Dhibaatada bini'aadanimo ee ka jirta dalka Somalia," Ayuu yiri Mr Guterres.

Guterres ayaa sheegay in Somalia ay wajahayso caqabado badan, oo ay kamid yihiin Gaajo, Abaar, Dagaallo iyo Cudurro halis ku hayo nolosha dadka.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guterres Booqashadiisa, taasi oo uu ku tilmaamay mid dareenka caalamka usoo jeedisay xaaladda xilligan ka taagan Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay siin doonto ahmiyadda koowaad gurmadka abaaraha iyo amniga, isagoo hoosta ka xariiqay in Al Shabaab laga saari doono dalka.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay Xayiraadda Dowladda Mareykanka kusoo rogtay Dadka kasoo jeedo dalka Somalia, waxaana uu balanqaaday inuu arintaas kala hadli doono Donald Trump.

Intaasi kadib, Guterres ayaa u safray magaalada Baydhobo, halkaasi oo uu ku booqday dadka kasoo barakacay deegaanada gobolada Baay iyo Bakool, ee abaarta ay ka jirto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM