Faah faahin Kulanka Farmaajo iyo Gutters

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres oo Maanta Booqasho ku yimid Muqdishu, ayaa xarunta Villa Somalia kula kulmay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shir Jaraa'id oo si wadajir ah ugu qabteen Madaxtooyada Somalia Antonio Guterres iyo Farmaajo ayaa waxa uga hadleen arrimo ay kamid yihiin Gurmadka abaaaraha, isku-dabaridka deeqaha iyo amniga.

Antonio Guterres ayaa sheegay in loo baahan yahay Lixda bilood ee soo socoto lacag dhan $825 million oo wax looga qabto abaarta Somalia, oo saamaysay dad gaarayo 6.2 Million oo qof.

"Shacabka Soomaaliyeed waxay u dhimanayaan Gaajo. Dunida waa inay si deg deg ah uga jawaabtaa Dhibaatada bini'aadanimo ee ka jirta dalka Somalia," Ayuu yiri Mr Guterres.

Guterres ayaa sheegay in Somalia ay wajahayso caqabado badan, oo ay kamid yihiin Gaajo, Abaar, Dagaallo iyo Cudurro halis ku hayo nolosha dadka.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guterres Booqashadiisa, taasi oo uu ku tilmaamay mid dareenka caalamka usoo jeedisay xaaladda xilligan ka taagan Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay siin doonto ahmiyadda koowaad gurmadka abaaraha iyo amniga, isagoo hoosta ka xariiqay in Al Shabaab laga saari doono dalka.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay Xayiraadda Dowladda Mareykanka kusoo rogtay Dadka kasoo jeedo dalka Somalia, waxaana uu balanqaaday inuu arintaas kala hadli doono Donald Trump.

Intaasi kadib, Guterres ayaa u safray magaalada Baydhobo, halkaasi oo uu ku booqday dadka kasoo barakacay deegaanada gobolada Baay iyo Bakool, ee abaarta ay ka jirto.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM