Faah faahin Markabka lagu afduubtay Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa markab xalay lagu afduubtay xeebaha Puntland, kaasoo la sheegayo inuu ku wajahnaa dhinaca magaalada Muqdishu.

ARIS 13, ayaa ku gooshaya calanka Siiri-lanka, waxaana la sheegay inuu wado shidaal.

Kooxo kalluumaysato sheegtay ayaa ku haysta meel 7 mile u jirta xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in markabkan u kasoo shiraacday dhinac dalka Jabuuti.

Af-hayeenka guuto ka tirsan ciidamada badda Midowga Yururb oo hawlo la dagaalanka budhcad badeedda ah ka wada halkaa, ayaa sheegay in aan lagu degdegi karin in la xaqiijiyo in af-duubkan ay fuliyeen budhcad badeed iyo in kale.

John Steed oo ka tirsan hay'adda garkaarka ee la yidhaa Ocean Beyond Piracy, oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yidhi "shalay galabtii wuxu markabku sheegay in ay daba socdeen laba laash oo yaryari, ka dibna warkiisaba waa la waayey".

Dhinaca kale dowladda maamulka degmada Caluula ayaa sheegay inay qorshaynayaan duullaan lagusoo furanayo markabka.

Balse, kooxdan ayaa wacad ku martay in dhibaato dhici doonto hadii la isku dayo in xoog loo adeegsado arrintan.

Ma cadda kiiskan inay ka dambeeyaan Burcad, inkastoo qayb kamid ah raggan diideen in loogu yeero eraygaas.

Hadii dhacadadan burcadnimo noqoto, waxay noqonaysaa markii ugu horay markab ganacsi oo xamuul sida lagu afduubto gudaha Somalia tan iyo 2012.

Arrintan timid kadib markii deegaanada Puntland kusoo bateen maraakiibta Jariifka taasoo loo aanaynayo Maraakiib lasoo kiraystay oo ku sugan xeebaha maamulkaas.

 Kalluumaysatada ayaa dhowr jeer oo hore ka digay arrintan inkastoo aan laga hoos-qaadin.

GAROWEONLINE


Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM