Faah faahin qaraxa ka dhacay Muqdishu [DHAGEYSO]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax loo adeegsaday Gaari HOMY ah ayaa galabta salaaddii Maqrib ka hor ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasoo sababay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa dhacay kadib markii Askar Militariga Somalia katirsan uu ku joojiyay Barta-koontarool oo ku taalla Tiyaatarka Qaranka, oo ku dhaw xarunta Villa Somalia.

Kahor intuusan qarxin gaariga ayaa kusocday xawaare aad u sareeya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa xaiijiyay in 5 ruux ay ku dhimatay qaraxa, sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 qof, oo u badan shacab.

Dadka dhintay waxaa u badanaayeen Haween Qaad ku iibin jirey Afaafka Tiyaatarka, oo ay marta wado aad u mashuul badan xilliga galabta, maadaama dadka ay u rawaxayaan Guryahooda.

Khasaaraha ayaa wararka waxay sheegayaan inuu gaarayo 10 qof, oo saddex Askar yihiin. Dhaawacyada oo kor u dhaafayo 12 ruux ayaa loo qaadey Isbitaallada si loogu daweeyo.

Weerarkan ayaa lagusoo beegay xilli maanta la magacaabay golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM