Faahfaahin dagaal culus oo dhaxmaray Ciidamada Dowladda iyo ‘AS’

Image
Ciidamada Dowladda ayaa qorsheyneya inay dib u qabsadaan magaalada Caad.

CAAD, Soomaaliya - Dagaal culus oo maanta dhaxmaray Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kooxda “AS” ayaa ka dhacay deegaanka Jeex-Jeexa oo hoostaga magaalada Caad ee Koofurta Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa socday saacado badan, waxaana Dowladdu sheegtay in ay Jab xoog leh ku gaarsiiyey xubnaha kooxda ‘AS” ee halkaasi ku sugnaa, iyadoo saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay xaqiijiyeen in lagu dilay horjoogeyaal badan.

Ciidanka xoogga ayaa Saakay dagaal culus ku qaaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda “AS”, waxaana la burburiyey xarumihii ay ku lahaayeen.

Ciidamada Dowladda ayaa qorsheyneya inay dib u qabsadaan magaalada Caad ee Koofurta Gobolka Mudug, iyaga oo haatan dhinacyada ka fadhiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM