Faahfaahin kasoo baxeysa dagaal Beeleed ka qaraxay Galbeedka gobolka Mudug

Image
Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Galdogob, Soomaaliya - Wararka aynu helayno ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed dib uga qarxay deegaannada Maygaagta iyo Higlo Ceelle ee golbeedka gobolkaas.

Dagaal Beeleed laba jeer la isku laabtay ayaa ilaa hadda ka socda deegaan lagu magacaabo Labada maygaag oo hoostaga degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug .

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamo beeleed labada dhinac ah waxaana deegaankaasi wada daga Dad xoolo dhaqato ah.

Wararkii ugu dambeeyey nagasoo gaaraya waxay sheegayaan in halkaas ay ku naf waayeen tiro dad ah, sidoo kale waxaa jira dhaawcyo ka dhashay dagaalkii saaka dhacay.

Ma ahan markii ugu horaysay ee deeganadaasi ka dhacaan dagaalo dhexmara dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku sugan Galbeedka gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM