Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qarax Muqdisho ka dhacay [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Gaari oo barqadii maanta oo Arbaco ah ka dhacay bartamaha magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo xiray Gaari nooca NISSAN SURF oo uu watey Sarkaal katirsan booliska dowladda Soomaaliya, oo lagu magacaabo C/raxmaan Cismaan Koronto.

Gaariga ayaa ku qarxay wadada Makka Al-Mukarama dhinaceeda, iyadoo Sarkaalka watey oo xilliga qaraxayay uu ku jiray Goob ganacsi oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska Shaqaalaha.

Sarkaalkan ayaa ka badbaaday isku dayga dilka ee la doonayay in lagu khaarijiyo, balse waxaa ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah, oo xilligaasi goobta marayay, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogiyaal.

Jugta qaraxa ayaa ahayd mid culus oo laga maqlay meelo fog oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana goobta xiray ciidamo booliska ay oo baaritaan sameeyay.

Booliska dowladda ayaa u diiday Gaadiidka Gurmadka ee Aamiin Ambulance inay tagaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan, xilli aaney dalka ka jirin Ambulance dowli ah oo dadka u gurmada. [AKHRI WARKAN].

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa kaasoo kusoo beegmaya xilli booliska dowladda ka joojiyay gaadiidka gurmadka Degdega inay tagaan goobaha qaraxyada ee caasimadda.

Iyadoo ay dowladda xirtay wadooyinka Muqdisho, islamarkaana dhigtay ciidamo dheeraad ah, ayaa haddana ay si joogto ah u dhacayaan qaraxyada iyo dilalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM