Faahfaahin ku saabsan dagaal ka qarxay gobolka Shabeelaha Dhaxe

Image

NUUR-DUGLE, Soomaaliya - Kooxda ‘AS’ ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Nuur-Dhagli ee hoos yimaada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa iska caabiyay weerarka lagu bartilmaameedsaday fariisimaha ciidamada ay ku leeyihiin gudaha deegaanka, waxaana halkaasi ka dhashay qasaaro xooggan oo soo gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale, 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaalka, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, waxaana magaalada weli gacanta ku haya ciidamada.

Ciidamada dowladda ayaa ilaa haatan sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada iyo deegaanada hoos yimaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM