Taliyaha Sirdoonka Galmudug oo ka badbaaday isku day dil

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaaladda Muqdisho maanta oo Arbaco ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay saacadihii hore ee maanta irida Hotel Mubaarak, oo ku yaalla wadada mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama, waxaana xigtay rasaas culus oo ciidamada ay rideen.

Illo ku dhaw Booliska ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa lala eegtay nin lagu magacaabo Cabdi Dheere oo la sheegay inuu yahay taliyaha NISA qeybta Galmudug, balse ka badbaaday.

Ugu yaraan labo ruux oo shacab ah oo wadada dhinaceeda marayay ayaa dhaawacyo kasoo gaarey qaraxa oo ahaa mid ku xirnaa Gaari la dhigay afaafka Hotel-ka.

Dhowr gaari oo kale oo irida hotel-ka yaalla ayaa ku gubtay qaraxa, waxaana hakad galay mudo daqiiqado ah isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee jidka Makka Al-Mukarama.

Al-Shabaab oo inta badan qaraxyada noocan ah ka fulisa caasimadda dalka, oo amnigeeda uu liito, ayaa dusha saartay isku dayga lagu khaarjin ahaa sarkaalkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM