Faahfaahin ku saabsan qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fiidnimadii caawa ayaa weerar ismiidaamin ah lagu qaaday maqaayad lagu magacaabo Sky Blue oo ku dhow Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho, waxayna sidoo kale ay ku taal meel ku dhow xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Sida xogta aan ku helayno hay’adaha amaanka ayaa xaqiijiyay in hal askari uu ku dhintay weerarka ismiidaaminta ah, iyo agaasimihii TV-ga Somali Cable Cabdifataax Qays oo ku geeriyooday isbitaalka kadib dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa.

Dowladda ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxan oo lala beegsaday goob ay ku cunteeyaan mas’uuliin ka shaqeeya hay’adaha dowladda ama kuwa gaarka loo leeyahay.

Laamaha ammaanka ayaa sii wada baaritaanada ku aadan ninka is qarxiyay ee goobtan muhiimka ah u soo gudbay, iyadoo la filayo in tirada rasmiga ah ee waxyeelada ka dhashay qaraxa ay muujiyaan khasaarae intaa badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM