Faahfaahin ku saabsan weerar ay argagaxisadu ku qaadeen Daar-Nimca

Image

RUNIRGOOD, Soomaaliya - Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta iska caabiyay weerar xooggan oo ‘AS’ ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nimca ee hoostaga degmada Runrigood.

Xubnihii ‘AS’ ee weerarka ku soo qaaday deegaanka ayaa la sheegay in khasaare xooggan uu soo gaaray, sida ay sheegeen dadka deegaanka, iyadoo mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Federaalka aysan wali wax war ah ka soo saarin weerarka.

Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gurmad ugu tagay ciidamda ku sugan deegaanka Daaru-Nimca iyaga oo ka kala yimid deegaanada kale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa dhawaan booqday deegaanka isaga oo dadka deegaanka iyo ciidamada xoogga dalka ee halkaasi ku sugan kala hadlay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Waxaa xusid mudan in weerarkan uu yahay kii 3-aad ee argagaxisada ku qaadaan deegaankan, taasoo muujineysa sida ay ‘AS’ uga go’an tahay inay gacanta ku dhigaan, iyaga oo marwalba jab kala kulma Ciidamada Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM