Faahfaahin: Labo Qarax oo ka dhacey magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay, 17 kalena way ku dhaawacmeen labo Qarax oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumdda Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalane, ayaa xaqiijiyay qaraxyada, oo uu sheegay inay ahaayeen  nooca bamka gacanta ah lagu weeraray  Maqaaxi ku taalla Isgoyska Tarabuunka, halkaasi oo fariistaan askar katirsan ciidamada dowladda Somalia.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in Tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto, sababtoo ah waxaa jiro dadka dhaawacmay qaarkood, oo xaaladood ay aad u liidato laguna dawaynayo Isbitaalka Madiina.

Jugta Qaraxyada ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdishu abaare 7:00 p.m.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxyada kadib ay goobta gaareen ciidamo kuwa amniga ah, oo sameeyay howlgal tiro dad ah ay kusoo qabteen, kuwaasi oo lagu xiray xarunta dembi-baarista ee CID-da.

Sarkaal katirsan ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Kooxda Al shabaab inay ka dambayso weerarka lagu dilay askarta ee ka dhacay Maqaaxida ku taallo Tarabuunka.

Al shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojisay weerarada magaalada Muqdishu, si ay u carqaladaysao doorashooyinka Gudoonka baarlamaanka iyo mida Madaxweyne oo Bishan dhacaya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM