Faahfaahin: Muxuu Ka Kooban Yahay Heshiiska Badda ee Dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay Heshiis Amni Badeed oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga iyo ilaalinta biyaha Soomaaliya muddo toban sano ah.

Heshiiskan oo la sheegey inuu muhiim u yahay labada dal, ayaa dalka Turkiga siinaya awoodda buuxda ee maamulida iyo difaaca biyaha Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo baahida Soomaaliya u qabto dal difaaca qaranimadiisa iyo biyaheeda.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa laga xaqiijiyay in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga badda iyo la dagaalanka wax kasta oo khatar ku ah biyaha Soomaaliya.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in Turkiga ay qaadan doonaan 30% dakhliga ka soo baxa aaga dhaqaalaha baluuga ah ee kheyraadka badda.

Heshiisku waxa uu sidoo kale xoojinayaa dagaalka ka dhanka ah kalluumeysiga sharci darada ah ee xeebaha Soomaaliya, iyadoo Turkigu dhisi doonaan ciidanka Badda Soomaaliya oo si weyn loo qalabeysan.

Heshiiskan waxaa la xusay in sababta Soomaaliya u gashay ay tahay sidii ay ku xaqiijin lahayd madax-bannaanideeda dhaqaale iyo tan siyaasadeedba, iyadoo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamka.

Fulinta heshiiskan ayaa bilaabanaysa 24 saac gudahood marka la saxiixo, waxaana uu Turkiga siinayaa mas'uuliyadda ilaalinta iyo difaaca biyaha Soomaaliya. Ciidamada Turkiga, haddii loo baahdo, waxay u dagaallami doonaan difaaca biyaha Soomaaliya si la mid ah sida ay u difaacaan biyahooda, haddii ay dhacdo xadgudub.

Heshiiskan ayaa yimid xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ka dhashay heshiis hordhac ah oo dhex maray maamulka Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku tilmaamtay isku day ay Itoobiya ku doonayso inay ku kala qaybiso dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM