Faahfaahin qarax ka dhacay agagaarka Stadium Muqdisho

Image
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan.

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay Qarax lala eegtay bar-kantrool ay ciidamada amaanka ku lahaayeen isgoyska Cali Kamiin ee degmada Warta-nabdda ee gobolka Banaadir.

Qof iskusoo xiray walxaha qarxa ayay wararku sheegayaan inuu halkaas isku qarxiyay, xilli Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo u dhow isgoyska laga ciyaariyay kulan u dhaxeeya Galmudug iyo Banaadir.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay rasaas ku fureen qofkii qaraxa siday oo dhaawac la gaarsiiyay ka hor inta uusan is qarxin, waxaana la sheegaya in ay jiraan dhaawacyo farabadan oo ka dhashay qaraxa.

Dhanka kale, Dowladda oo war kooban ka soo saartay qaraxa ayaa sheegaty in aanay cidna wax ka soo gaarin oo kaliya ku dhintay ninkii is qarxiyay.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana la sii waday kulanka 4-dhamaadka ee Galmudug iyo Banaadir.

GaroweOnline.

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM