Faahfaahin qarax ka dhacay agagaarka Stadium Muqdisho

Image
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan.

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay Qarax lala eegtay bar-kantrool ay ciidamada amaanka ku lahaayeen isgoyska Cali Kamiin ee degmada Warta-nabdda ee gobolka Banaadir.

Qof iskusoo xiray walxaha qarxa ayay wararku sheegayaan inuu halkaas isku qarxiyay, xilli Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo u dhow isgoyska laga ciyaariyay kulan u dhaxeeya Galmudug iyo Banaadir.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay rasaas ku fureen qofkii qaraxa siday oo dhaawac la gaarsiiyay ka hor inta uusan is qarxin, waxaana la sheegaya in ay jiraan dhaawacyo farabadan oo ka dhashay qaraxa.

Dhanka kale, Dowladda oo war kooban ka soo saartay qaraxa ayaa sheegaty in aanay cidna wax ka soo gaarin oo kaliya ku dhintay ninkii is qarxiyay.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana la sii waday kulanka 4-dhamaadka ee Galmudug iyo Banaadir.

GaroweOnline.

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM