Faahfaahin Qarax ka dhacay degmada Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wararka caawa ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay uu ka dhacay guri ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka kuwaas oo la joogay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qraxaan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirto, iyada oo dadka deegaanka xaqiijiyeen dhimashada 5 ruux oo ka tirsanaa Ciidamada deeganka galbeedka Magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa hadda waxaa ka taagan xiisad adag, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo waddooyinka. Dowladda Hirshabelle ayaa ilaa haatan war kasoo saarin qaraxaan eewaxyeello kasoo gaartay dad raiyd ah.

Dhawaanahan ayaa waxaa ka socday degmada Jowhar abaabul ay beelaha dega galbeedka Hirshabelle isugu diyaarinayaan wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM