Faahfaahin qarax ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Laamaha ammaanka ayaa fashiliyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, laamaha ammaanka ayaa xogta qaraxan ka helay dadka deegaanka, waxayna uga dabatageen gaariga ka hor inta uusan gudaha u gelin magaalada dhuusamareeb.

Qoraalka la baahiyay ayaa lagu xusay: “Ciidanka ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb”.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa noqotey xarunta laga hago dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka kooxda argagaxisada ah ay bartilmaameedsaneyso magaaladaan si ay u fashiliyaan dagaalka oo lugu guuleestay ilaa haatan in la xoreeyo deegaano hor leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM