Faahfaahin: Qarax ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxa gaari oo barqadii maanta oo Khamiis ah ka dhacay afaafka hore ee aqalka Madaxtooyadda Soomaaliya, ee ku taalla magaaladda Muqdisho.

Saraakiil katirsan booliska dowladda, ayaa u xaqiijiyay Warisdaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray kaasoo la dhigay bar-koonatarool, oo lagu baaro gaadiidka gala Villa Somalia.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa goobta waxay ahayd mid mashquul badan, oo dad badan ku sugnaayeen goobo Ganacsi, Maqaaxiyo Shaaha laga cabo, iyadoo dadka qaar ay wadada marayeen.

Inta la xaqiijiyay illaa afar qof oo shacab ahaa ayaa ku dhimatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen, iyadoo khasaaraha laga yaabo inuu inataasi ka bato.

Muuqaallo iyo sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya burbur xooggan iyo gaadiid gubtey, waxaana gaariga uu ku qarxay meel wax yar u jirtaa halkii uu ka dhacay qaraxii uu ku dhintay Wariye Cawil Daahir, 22-kii Dec. 2018.

Wararka laga helayo illo ku dhaw booliska ayaa sheegay in la qabtey qof looga shakisan yahay inuu wadey gaariga saaka ku qarxay nawaaxiga Madaxtooyadda, gaar ahaan inta u dhaxaysa Taaladda Xaawo Taako iyo Tiyaatarka qaranka.

Amniga Muqdisho ayaa ah mid jilicsan, oo xilli kasta la fisho inuu qaraxa dhici karo, waxaana Xukuumadda uu hogaamiye Khayre lagu eedeeyay fashil amni, maadaama qaraxyada iyo dilalka caasimadda noqdeen sidii tusbax go'ay.

Horaantii bishan, saddex qarax oo waaweyn iyo weerar lagu qabsadey dhismo ayaa ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, oo ah meel mashquul badan, waxaana lagu dilay weerarka in ka badan 30 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM