Faahfaahin Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay magaalada Afgooye

Image
Ilaha rasmiga ee dowladda ayaan wali wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Afgooye, Soomaaliya - Wararka nooga imaanayo magaalada Afgooye ayaa sheegaya in meel ku dhow isbitaal ku yaalla magaaladaasi, uu ka dhacay qarax xooggan waxaana qaraxa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaaray dad shacab ah.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ee ka dhawaa aagga uu ka dhacay qaraxa mooto Fikoon oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen tiro gaaraysa ilaa 3-qof, halka ay ku dhaawacmeen dad toboneeyo gaaraya.

Ilaha rasmiga ee dowladda ayaan wali wax war ah ka soo saarin dhacdadan, xilli hay’daha Caafimaadka magaalada Afgooye, aanay si rasmi ah inoogu sheegin tirada saxda ah ee waxyeello ka soo gaartay qaraxa.

Magaalada Afgooye ayaa ku soo laalaabtay qaraxyada noocaan ah, iyada oo ay ku soo bateen magaalada kooxo aan heybtooda la garanayn ka dambeeya falalka noocan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM