Fahad Yaasiin oo eryay taliyihii sirdoonka gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa lagu waramay in Talaadada maanta ah uu eryay Agaasimihii Hay'adda Nabad-sugida gobolka Banaadir.

Illaa iyo haatan lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa xilka ka qaadista Ibraahim Macalin Cabdullaahi.

Sidda ay tibaaxayaan illo xog ogaal ah, Ciise Maxamed ayaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay jagadii Cabdullaahi.

Ibraahim, oo aan wali ka hadlin shaqo ka ceyrintiisa, ayaa xilka uu haatan waayey wuxuu haayey muddo hal sano ah.

Ciise ayaa wuxuu kamid yahay saraakiisha da'yarta ee Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xubno kasoo baxsaday Al-Shabaab ay ku milmeen hogaanka NISA, iyagoo ka digay in xogta qaranka loo dusiyo "cadowga".

Gobolka Banaadir waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku socday "kala-shaan-dheyn" kadib weerarkii is-miidaaminta ee lagu khaarijiyey duqii Muqdisho, Injineer Yariisow, bishii July sanadkii 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM