Fahad Yaasiin oo jawaab shuruud ku xiran tahay siiyey Rooble

Image
Jawaabta Fahad ayaa timid xilli Rooble uu maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

MUQDISHO, Soomaaliya - Isaga oo ka jawaabaya amarka mudada 48-saac ee ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble, agaasimaha hay'adda NISA, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa dalbadey kulan ay isugu yimaadaan madaxda dowlada federaalka iyo maamulada si uu warbixinta ula wadaago.

Xiisad ayaa ka dhalatay gudbinta warbixinta halka ay ku dambeysay sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax oo xubin ka ahayd hay'adda sirdoonka Soomaaliya taasoo la waayey in ka badan bil kahor ayna NISA shaacisay in ay dishay Al-Shabaab wallow ay iska fogeysay.

Wasiirka koowaad ee dalka Rooble oo kasoo muuqdey muuqaal uu faafiyey telefishinka dowladda ayaa si adag wuxuu uga soo horjeestay warbixintii hay'yada sirdoonka ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
 
Rooble oo sheegay in ay soo gaartey cabasho kaga timid qoyska Ikraan ayaa warbixinta wuxuu ku sifeeyay "mid aan lagu qanci karin ama aan ka jawaabeyn su'aalaha ku saabsan qadiyadan".
 
Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha NISA, ayuu faray in uu 48-saac gudahooda kusoo gudbiyo "warbixin dhameystiran". "Kadib waxaan qaadan doonaa go'aanka ku haboon," ayuu ku daray wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyska Ikraan ugu baaqayaa in ay muujiyaan deganaan, mas'uuliyad lagana fogaado in lagu xadgudbo dadka aan waxba galabsan," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

NISA ayaa Khamiistii waxay shaaca ka dhigtey in Ikraan oo la waayey laba bilood kahor ay u gacan-gashay ayna dileen maleyshiyada Al-Shabaab. Hase ahaatee, kooxda hubeysan waxay iska fogeysay eedeyntaas.

Aqal-galka qarsoodiga ah ee Fahad Yaasiin

Jawaabta Fahad ayaa timid xilli Rooble uu maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada.

Rooble ayaa "mar kale u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay".

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Garowe Online ayaa xaqiijiyey in Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha mukhaabaraadka Soomaaliya, uu si qarsoodi ah dalka Turkiga ula aqal galay gabar uu dhalay Sheekh Bashiir Axmed Salaad, oo kamid ah taageereyaasha ugu mayalka adag ee Villa Soomaaliya.

Tani ayaa timid xilli ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu 48-saac u qabtey agaasimaha hay’adda NISA kaas oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Mudadaas waxaa ka hartay saacado qura.

Fahad oo horey u ahaa wariye ka tirsan qeybta Carabiga ee telefishinka waddanka Qadar laga leeyahay ee Al-Jazeera ayaa wuxuu xubin ka ahaa shabakada Al-Ictisaam oo horey loo oran jiray Ex-Al-Itixaad. Waa koox salafiyiin madaxdeeda uu kamid ahaa Sheekh Bashiir Axamad Salaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM