Fahad Yaasiin oo laga codsaday in uu baneeyo xilka hay'adda NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Murashaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ee ku shiray Muqdisho ayaa socday in uu xilka baneeyo agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Daahir oo ah mas'uulka ugu tunka weyn xafiiska madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ayay ku eedeeyeen in uu yahay "madaxa ololaha dib-u-doorashadda" Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay sheegashadooda, eryida Fahad ayaa xaqiijineysa madaxbanaanida hay'adda NISA oo kamid ah laamaha dowliga ah ee ka qeyb-qaadanaya sugida amniga doorashooyinka.

"Iyaddoo ka cuskanayo mabaadi'da ku xusan farqooyinka qodobka 127aad ee dastuurka ku meelgaarka ah uu Fahad Yaasiin Daahir baneynayo taliyaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka maadaama uu yahay madaxa ololaha dib-u-doorashada murashax madaxweyne uu waqtiga kasii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex-dhexaadnimada hay'adda NISA," ayay qoreen.

Madaxweyne Farmaajo ayay cod dheer ugu baaqeen in uu joojiyo ku tagrifalka awoodeed, in uu hantida dowladda u adeegsado ololaha iyo in uu xaqiijiyo madax-banaanida hay'adda NISA.

Dalabyaddan ayay kusoo bandhigeen war-murtiyeedka ay kasoo saareen shirkooda shanta maalmood uga socday Huteel Jazeera ee ku yaala magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Sidda ku xusan war-murtiyeedka, Guddiyadda doorashooyinka ee magacaaban waa in laga saaro dhamaan askarta iyo shaqaalaha rayidka ee ay ku dareen madaxda dowladda federaalka iyo maamulada qaar.

Fahad Yaasiin Daahir oo xiriir dhow la leh dowladda Qadar isla markaana dalkan Carbeed kasoo qaadey maalgelinta ololihii doorashada Farmaajo ee 2016-kii ayaa wali ku haminaya in ay taladda dalka sii hayaan.

Hoos ka akhriso bayaanka murashaxiinta

Image

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM