Fahad Yaasiin oo laga codsaday in uu baneeyo xilka hay'adda NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Murashaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ee ku shiray Muqdisho ayaa socday in uu xilka baneeyo agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Daahir oo ah mas'uulka ugu tunka weyn xafiiska madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ayay ku eedeeyeen in uu yahay "madaxa ololaha dib-u-doorashadda" Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay sheegashadooda, eryida Fahad ayaa xaqiijineysa madaxbanaanida hay'adda NISA oo kamid ah laamaha dowliga ah ee ka qeyb-qaadanaya sugida amniga doorashooyinka.

"Iyaddoo ka cuskanayo mabaadi'da ku xusan farqooyinka qodobka 127aad ee dastuurka ku meelgaarka ah uu Fahad Yaasiin Daahir baneynayo taliyaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka maadaama uu yahay madaxa ololaha dib-u-doorashada murashax madaxweyne uu waqtiga kasii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex-dhexaadnimada hay'adda NISA," ayay qoreen.

Madaxweyne Farmaajo ayay cod dheer ugu baaqeen in uu joojiyo ku tagrifalka awoodeed, in uu hantida dowladda u adeegsado ololaha iyo in uu xaqiijiyo madax-banaanida hay'adda NISA.

Dalabyaddan ayay kusoo bandhigeen war-murtiyeedka ay kasoo saareen shirkooda shanta maalmood uga socday Huteel Jazeera ee ku yaala magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Sidda ku xusan war-murtiyeedka, Guddiyadda doorashooyinka ee magacaaban waa in laga saaro dhamaan askarta iyo shaqaalaha rayidka ee ay ku dareen madaxda dowladda federaalka iyo maamulada qaar.

Fahad Yaasiin Daahir oo xiriir dhow la leh dowladda Qadar isla markaana dalkan Carbeed kasoo qaadey maalgelinta ololihii doorashada Farmaajo ee 2016-kii ayaa wali ku haminaya in ay taladda dalka sii hayaan.

Hoos ka akhriso bayaanka murashaxiinta

Image

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM