Fahad Yaasiin oo lagu dhaliilay wareejinta waajibaadkiisa shaqo

Image
Ma cadda sababta dhabta ah ee talaabadan ku kaliftey Fahad. Hase ahaatee, waxaa kasoo baxaya warar kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin Daahir oo ku magacaaban lataliyaha amniga qaranka ayaa waajibaadkiisa ku wareejiyay wasiirka arrimaha dibadda, Cabdi Saciid Muuse Cali, sida ay muujinayaan dukumiintiyo iyo warqad rasmiya ah.

Nuqul kamid ah warqadan oo warsidaha Garowe Online ayaa muujinaysa in Fahad uu u cuksadey talaabadan in wasaaradda arrimaha dibadda ay qayb ka tahay fulinta iyo horumarinta siyaasada amniga qaranka.

Ma cadda sababta dhabta ah ee talaabadan ku kaliftey Fahad. Hase ahaatee, waxaa kasoo baxaya warar kala duwan. Fahfaahinada qaar waxay xusayaan in uu go'aansadey in uu diiradda saarayo arrimaha siyaasada.

Siyaasiyiinta qaar ee yaqaana Fahad ayaa rumeysan in uu doonayo in aysan saameyn ku yeelan musharaxnimadiisa kursiga Aqalka Hoose. Xafiiska Fahad iyo wasaaradda arrimaha dibadda wali kama jawaabin arrintan.

"Ama waxaaba dhici in uu ka dhuumanayo kaamirada maadaama maalmahan ay Muqdisho ka bilowdeen shirar looga arrin-sanayo masiirka amniga dalka iyo sidii Soomaaliya ula wareegi lahayd ammaankeeda," ayuu yiri siyaasi.

Mucaaradka Soomaaliya oo ka falceliyey talaabadda Fahad ayaa ku sifeeyay "dhaqan-xumo iyo horudhaca waxa ay soo waddaan kooxda muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey ee Maxamed C/llaahi Farmaajo".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, musharax madaxwayne ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga, ayaa rumeysan in Farmaajo kalsoonida ka dhamaatay.

"Way muuqaataa xayndaabka kalsoonida ee Farmaajo in uu soo xirmay, isaga iyo kooxdiisana horay ayey noo tuseen heerka ay ka joogaan dowladnimo, dastuur, sharci, iyo maamul," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtey Warsame, wareejinta Fahad ee shaqadiisa latalinta amniga qaranka waxay caddeyn u tahay in uusan kasoo bixin karn howsha kuna mashquulsan yahay maleegida dhagaro kale.

"Waxaase la yaab leh kuwo ku magacaaban xilalka Dowladnimo ee tan oo kale ka dul dhaceyso iyo kuwo is moodsiiya in ay Farmaajo talo la leeyihiin ee uu ku saladday dadka iyo deegaanka ay ka soo jeedaan," ayuu tibaaxay.

Fahad oo horey wariye Tv-ga Al Jazeera qaybta carabiga u ahaa ayaa loo arkaa shaqsiga ugu awooda badan dowladda Farmaajo. Waa dhif iyo naadir in uu kasoo muuqdo shaashadaha. Haddana go'aano culus ayuu hormuud u yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM