Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyay "in uu ku daydo" amiirkii hore ee Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya [NISA], Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa ka shidaal-qaata amiirkii hore Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane, sidda uu ka dhawaajiyey murashax.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo soo xigtay war uu sheegay Daahir, ayaa tibaaxay in mas'uulka ugu awooda badan Farmaajo leeyahay yool uu ku hamiyey Axmed Godane.

Sidda laga soo xigtay sheegashada Warsame, agaasime Fahad ayaa doonaya "in uu gacanta ku dhigto guud ahaan maamulka koonfurta Soomaaliya".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa sidoo kale daaha ka rogay nidaamka uu Fahad u dejiyay in uu ku musuqmaasuqo doorashooyinka 2020-21.

"Haddii aad guddiga doorashada ka mid noqoneyso waa in xarunta NISA lagaa soo hubiyaa, sidoo kale haddii aad xildhibaan dooneyso, waa in cidda damiinka kaa ah aad NISA geysaa. Lacagta Qatar ee xildhibaanka la siinayo waxey taallaa xarunta NISA," ayuu Warsame Sabtida maanta ah kusoo qoray Facebook.

Warsame oo kamid ah murashaxiinta madaxweyne ee coddeynta soo aadan ayaa rumeysan in hab-dhaqanka Fahad uu wiiqayo xasiloonida waddanka.

"Dalka aafadiisa waxey ku soo uruurtay xarunta NISA iyo ninka ka taliya. Hadda ka hor ayaa laga sheegay taliyaha NISA in uu yiri 'dadkaan iyo deegaankaan Koonfureed Axmad Godane ba [aas-aasihii Al-Shabaab] waa qabsadee maxaa anigana ii diidaya'. Inta NISA xaalkeedu sidan yahay, dalku xasilooni ma leh," ayuu hadalkiisa raaciyey Warsame oo aan carabaabin cidda uu soo xigtey.

Axmed Godane oo sanadkii 2009-kii ku dhawaaqay in maleyshiyadiisa gacansaar la leedahay shabakada Al-Qaacida ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka kula eegeen koonfurta Muqdisho bishii September, 2014-kii.

Mr Warsame ma ahan qofkii ugu horeeyay ee Fahad la xiriiriya Axmed Godane. Bishii Febraayo, 2020, agaasimihii hore ee NISA, Cabdullaahi Sanbaloolsle, wuxuu ku qeexay "mukulaal kamid ah hogaanka dowlada oo ku feker ah Godane".

Sanbaloolshe oo ay wada-shaqeeyeen Fahad Yaasiin ayaa sheegay in taliyaha haatan ee NISA uu aaminsan yahay in lagu kala adkaado siyaasada isla markaana qofkii naqdiya "uu iska hor-leexiyo [ama uu dilo] sida Al-Shabaab sameyso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM