Fahfaahin: Duqeyn ka dhacday meel ku dhaw Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin ayaa kasoo baxaysa Duqeyn dhanka cirka ah oo shalay gelinkii dambe ka dhacday meel ku dhaw magaalada Muqdisho, taasi oo lala eegtay xubno katirsan Al Shabaab.

Duqeynta waxaa fulisay diyaarad Drone ah, waxaana lala eegtay Kolonyo ay la socdeen saraakiil Al Shabaab xilli ay marayeen deegaanka Ilimey, oo 130Km dhanka koonfur galbeed uga beegan Muqdisho.

Illo-wareedyo ku sugan gobolka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 5 qof oo la socday gaadiidka la bartilmaameedsaday ay ku dhinteen weerarka, iyadoo aan wali la shaacin magacyada hogaamiyaasha Al Shabaab ee lagu dilay duqeynta.

Ilimey waxay ku dhawaad 10Km dhank koonfur uga beegan tahay deegaanka Farsooley, oo ah saldhig weyn oo la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyaal sare oo katirsan Al Shabaab.

Cali Max'med Xuseen [Cali Jabal], oo ahaa madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa weerarada Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay duqeyn noocan ah oo gaari uu watay lagula eegtay duleedka Tooratoorow 30-kii bishii July ee lasoo dhaafay.

Al Shabaab iyo maamulka gobolka Shabeellaha hoose kama aysan hadlin duqeynta.

Lama oga dowladda fulisay duqeynta, balse Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe weeraro joogto ah ka gaysanayay Koonfurta iyo deegaano ku yaalla Puntland, kuwaasi oo uu la eegtay Al Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM