Fahfaahin kasoo baxaysa weerarka Baar-Sanguuni [Khasaaraha oo kordhay]

Image

KISMAYO, Somalia - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimashada ee weerarkii saaka ka dhacay saldhiga military ee ku yaalla degaanka Baar-Sanguuni, ee duleedka magaalada Kismaayo.

Sarkaal katirsan ciidamada Jubbaland ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in 73 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab lagu dilay duqeyn cirka ah, oo ka dhacday Muuse Xaaji iyo Araare, kadib markii la fashiliyay weerarka Baar-Sanguuni.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dhimashada Al Shabaab ay gaareyso 64.

Duqeynta oo loo maleynayo inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ciidamada Mareykanaka ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen dagaalyanada Al-Shabaab, sida ay sheegeen illo ku sugan degaanka.

Weerarka hore ee ka dhacay Baar-Sanguuni ayaa waxaa lagu dilay 4 Askari, iyadoo saraakiisha Jubbaland ay sheegeen in laga hortagay duulaanka, sidoo kalena la qabtey gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa. [Halkan ka akhri warka]

"Ciidamada ayaa helay xogta weerarka, taasoo u sahashay inay kahor-tagaan, lana qabto gaarigii lala damacsanaa in lagu qarxiyo saldhigga," ayuu yiri Sarkaal military oo codsaday in magaciisa la haabin,.

Saldhigga Baar-Sanguuni oo ay wada degan yihiin Ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Mareykanka ayaa la weeraray June, 2018, kaasoo lagu dilay 1 skari oo American ah, iyadoo afar kale lagu dhaawacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo la safatay Kuwait oo muranka xudduudda badda kala dhexeeya Iraq

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la dhowro xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan:

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 07:43AM

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM