FAHFAAHIN: Qarax Gaari oo Muqdisho ka dhacay [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan 3 Askari oo kamid ahaa ciidamada dowladda Somalia ayaa ku geeriyooday, labo kalena way ku dhaawacmeen Qarax  saaka ka dhacay magaalada Muqdishu.

Ciidamada dhintay ayaa ahaa Labo askari oo Police ah mid katirsan Nabad Sugidda. Labo Askari oo ku dhaawacmay qaraxa, ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdishu.

Taliyaha Howlgelinta ciidamada Booliska gobolka Banaadir Jen Madaale, ayaa tilmaamay in ay ciidamada fashiliyeen Qaraxa baabuurka lagu soo xiray, kaasi oo la doonayay in weerar lagu fuliyo.

Askarta dhimatay ayaa isku dayayay ina qaraxa ka furaan Gaariga, balse ay ku qaraxday.

Madaale ayaa intaasi ku daray in Labo qof oo saarnayd Gaariga, islamrkaana hubaysanaa ay baxsadeen, iyadoo Darawalkoodiina ay haleeyshay Rasaastii ay ciidamada ku rideen baabuurka.

Labad qof ee baxsatay ayuu sheegay in ay ku raadjoogaan, islamrkaana ay soo qaban-doonaan.

Ma jirto shacab wax ku noqday Qaraxa, maadaama goobta ay xiraan Ciidamada kahor inta uusan qarxin gaariga, sida uu Warbaahinta Muqdishu uu u sheegay Jeneraal Madaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM