Fahfaahin: Qaraxa ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi Muqdishu [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia – Fahfaahin dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxaysaa khasaaraha Qarax Ismiidaamin ah, oo maanta duhurkii ka dhacay Saldhiga Booliska degmda Waaberi, ee gobolka Banaadir.

Capt Maxamed Xuseen, oo ah Sarkaal katirsan Booliska ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online dhimshada 9 ruux, oo saddex kamid ah ay yihiin Askar, iyo dhaawaca tiro ka badan 10 qof. 

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay Albaabka Saldhigga, oo xilligaasi uu ka socday Shir amaanka degmada looga hadlayay. 

Tirada dhimashada ayaa lagu soao waramayaa inay intaasi ka badan karto, maadaama ay jiraan dad badan oo soo gaarey dhaawacyo culus, kuwaasi oo hadda lagu daweynayo Isbitaallada magaalada. 

Saldhigga degmada Waaberi ayaa wuxuu saaran yahay Wadada mashquulka badan ee Makka Al-mukarrama, wuxuuna ku dhow yahay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdishu. 

Dhowr qof oo wadada marayay ayaa ku geeriyootey, kuwa kalena way ku dhaawacmeen. 

Qaraxa waxa uu sidoo kale bur bur gaarsiiyay dhismooyin Ganacsi oo ku yaalla kasoo horjeedka Saldhigga Booliska.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka, oo noqonaya midkii labaad mudo Todobaad gudihiisa, oo ka dhacay Muqdishu, xilli Ciidamada amaanka ay wadaan howlgalka xasilinta Caasumadda. 

Maalmo ka hor Al shabaab waxay Gaari HOMY ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku weerartey xarunta maamulka Degmada Wadajir, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof oo u badnaa shacab. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay eedeysaneyaal

Eedeysanayaashaan ayaa waxa ay isugu jiraan milkiileyaal iyo farsamayaqaano.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 05:25PM

Soomaaliya oo codsatay in albaabada loo laabo xafiiska UN-ka ee Muqdisho

Talaabadaan ayaa imaanaysaa xilli howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ka baxayaan dalka.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 09:11AM