Falanqeyn ku saabsan safarka Farmaajo ee Jabuuti [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho dhowr ujeedo xambaarsan ku tagey shalay Jabuuti, kadib markii uu ka xumaaday hadal uu dhawaan isaga Asmara ka jeediyay.

Safarka Farmaajo ayaa dhalilay hadal-heyn badan, maadaama uu kusoo beegmay xilli xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu meeshii ugu hooseysay gaarey kadib booqashadii Madaxweynaha ee Eritrea bishii July.

Jabuuti ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii Muqdisho, wax yar kadib markii uu Farmaajo uu Qaramada Midoobey ugu baaqay inay xayiraadda ka qaadaan Eritrea, hadalkaasi oo Xukuumadda Jabuuti sheegtay inay ka naxday, oo lama filaana ku noqday.

Siyaasiga Maxamed Cabdi Wahaab, oo wareysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa si qoto-dheer u falan-qeeyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku micneeyay mid loo baahnaa, oo waqtigeeda yimid.

Mar wax laga waydiiyo in booqashada Jabuuti ay tahay mid uu doonayo Farmaajo inuu kasooo raali-geliyay Ismaaciil Cumar Geelle, hadii uu ka jeediyay Asmara ee ku baaqay in Cunaqabateynta, ayuu ku jawaabey "Waa noqon kartaa."

Maxamed oo horey usoo noqday Agaasiimiha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, gaar ahaan dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa xusay in Jabuuti ay tahay walaal aan la lumin karin.

"Aniga waxaan u arkaa in Madaxweyne Soomaaliya haddii markii uu joogay Eritrea ay hoos baxday in hadda inuu ka odiyeeyo waa arin mudan, waana arin u baahan in lagu bogaadiyo," ayuu yiri Maxamed.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay door ka qaadan doonto islamarkaana dedaal ay ku bixinayso in heshiis la dhex-dhigo Eritrea iyo Jabuuti, maadaama gobolka Geeska Africa hadda uu ka socdo Isbedel.

Siyaasiga ayaa aaminsan in Soomaaliya ay mudan tahay inay dhex-dhexaadan ka noqoto khilaafka Jabuuti iyo Eritrea, maadaama labada dal uu kala dhaxeeyo xiriiro taariikhi ah, oo midna lala safan karin.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelley ayaa ka arrinsadeen kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

HOOS KA DAAAWO GORFEYNTA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM