Fannaanada Khadiijo Daleys oo geeriyootay

Image

CANADA - Waxaa saaka oo Isniin ah dalka Canada ku geeriyootay Allah ha u naxariistee Fanaanada Caanka ah Khadiijo Cabdulaahi Daleys.

Daleys oo kasoo mid noqotay hobollada Waaberi burburkii dalka kahor ayaa ku dhimatay Isbitaal ku yaalla Canada, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladeeda.

Lama oga xanuunka ay u geeriyootay, balse Fanaanada oo ahayd qof da' ah ayaa waxaa la dhigay dhawaan Isbitaalka, halkaasi oo dhaqaatiirta kula tacaalayeen xaaladeeda caafimaad.

Khadiijo Cabdullaahi Daleys waxay ahayd Gabadhii labaad ee Soomaali ah oo heesta, waxaana ay fanka ku soo biirtay mudo laga jooga 65 sanno.

Waxaa lagu xasuustaa sidoo kale inay ahayd Gabadhii ugu horreysey ee ka heesta Radio Muqdisho 1952dii.

Daleys waxay ku dhalatay magalada Baydhabo sanadkii 1936-dii, waxaana ay qaadey Heeso badan oo caan baxay. Waxay kamid ahayd Fanaaniintii dalka ka cararay markii uu qarxay dagaalkii Sokeeye 1991.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM