Fariinta Geelle ee Xildhibaanada: Shacabka ma idinka filayo is-qabqabsi

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la hadlay Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, maanta oo Axad ah.

Fadhiga mudanayaasha oo aan qayb ka ahayn kulamada caadiga ah ayaa waxaa uu ka qabsoomay xarunta tababarka ciidamada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, gudoomiyaha Aqalka Sare iyo marti sharaf kale ayaa kasoo qaybgashay xafladda oo si wayn loosoo agaasimay.

Ugu horeyn, Geelle ayaa ka mahad-celiyay fursad loo siiyay in uu noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee la hadlay sharcidejiyaasha dalka Soomaaliya.

"Waxa aan u farax-sanahay ayaa ah in aan noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee la hadla labada Aqal, iyada oo uusan shir-saneen baarlamaanka," ayuu yiri.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay wadasheynta, adkeynta dowladnimadda iyo difaaca dalka.

"Shacabka ma idinka sugayo is-qabqabsi," ayuu raaciyay Geelle, isaga oo umuuqda mid ka war-qaba khilaafka dhaxaleystay ee labada Golle.

Labada Aqal oo murankooda uu keenay in ay hakiyeen wadashaqeyntii ka dhaxeysay ayaa salka ku haya; ansixinta Miisaaniyada iyo siyaasada maamulada.

"Dambiga ugu horeeya oo aad qaadeysaan hadii aad Xildhibaano tihiin waa in aad marka hore soo doorateen xukuumada oo aad metashaan shacabka," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Ismaaciil Geelle ayaa ku tartarsiiyay Xildhibaanada in ay ka shaqeeyaan sidii dalka looga samata bixin meesha uu haatan joogo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM