Farmaajo: Dib ayaan u billaabeynaa Wadahadalka Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] oo ka hadlayey ka munaasabad 1-da Luulyo oo lagu qabtay Garoonka kubada cagta ee Banaadir, ayaa kaga hadlay arrimo badan oo Somaliland ku saabsan.

Farmaajo ayaa sheegay in inkasta oo ay jireen duruufo badan oo ay soo mareen Somaliland, taasoo sababtay inay kala qeybsameen Umadda Soomaaliyeed, ay dowladiisa ku dadaaleyso sidii looga qancin lahaa wax walboo ay tabanayaa.

"Waxaan dooneynaa inaan si xaqiiqo ah, oo dhab ah aan isku hor-fariisano oo aan uwadahadalno, dowladeyda waxaa ka go'an inay si kasta oo ay ku qancin karto Somaliland ay sameyso, waana soo celineynaa wadahaalda Somaliland," ayuu Farmaajo ku nuux-nuux saday.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in Koonfurta Soomaaliya ay tahay mid aysan ka maarmin Somaliland, isagoona ku tilmaamay inay tahay Garab muhiim ah oo Soomaaliya ka maqan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha oo soo hadal-qaaday colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa wuxuu si kulul udhaleeceeyay in labadda dhinac ee isku haya [Puntland iyo Somaliland] ay wali sii wadaan dagaalka, isagoona ku baaqay nabad.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan inay dib ubilaabeyso dowladiisa wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya waxay kusooa aadayaa iyadoo maamulka Hargeysa horey usheegay inay hakiyaan, kadib markii xukuumada Muqdisho is-hor istaag ku sameysay heshiiska Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM